Facebook Jib Waaye

Dhac dadban ayaa Facebook ka dilaacay Xariif raba in uu shaafto kaco ayaa 30 qof oo asxaabtiisa ka mid ah u qoraya “Saaxiibow isbitaal ayaan joogaa, oo hooyo sakaraad ah saalada saaran ee fadlan ii soo dir $45 oo aan caawa kuu soo celiyo. Mobile-kiina iridda saalada ayaa la iigaga soo reebay ee lambarkaan 6XXXXXXXX iigu soo dir dhakhtarka hooyo qalaayo ayaa iska lehe

Koox qalbi xabxab ah ayuu sidaas ku dhacayaa. Habeenkii iyadoo lacagtii laga wada sugaayo ayuu Facebookii ku soo qoray "Waxaan asxaabteyda ku wargelinayaa in ciwaanka la iga jabsaday oo uu gacanteyda ka maqnaa 24kii saac ee la soo dhaafay. Waan ka xumahay, waana ka raalligelinayaa qof kasta oo ciwaankeyga lagu dhacay ama lagu aflagaaddeeyay.

Isla isagii ku dhacay ayaa ku raalligelinaya si aadan lacagtii ugu qabsan in kastoo ay jiri karaan dad ay dhab ka tahay oo ciwaanka laga jabsaday. 

Waxaadse ku xaqiijin kartaa in aad wacdo oo aad Video Call ku hubsato in uu isagii yahay. Facebook jib waaye ee yaan lagu gaadin.




Post a Comment

1 Comments