SUPER SUNDAY 

TARTANKA PREMIER LEAGUE ISBUUCIISA LIX IYO LABAATANAAD - [26/38]:

Liverpool vs Manchester United 

Garoonka: Anfield 

Wakhtiga: 7:30-Pm xiliga geeska Afrika 

Taariikhda: 05-March-23

Garsoore: Andrew Madley.


KULANKA UGU WEYN KUBADDA CAGTA ENGLAND:

Manchester United ayaa caawa fiidkii ku booqaneyso Liverpool gurigeeda Anfield, Manchester ayaa Anfield kusoo adkaatay 12-kulan Premier league, ayadoo looga soo adkaatay 7-jeer. Red Devils ayaa kaga badis badan kooxda iska leh garoonka samanka Premier league-ga.

Manchester United ayaa dhameestirtay iney minin iyo marti uga adkaato 8-jeer Liverpool in ka badan kooxaha kale, ayadoo raadineyso markii 9-laad. United ayaa dooneyso markii ugu horeysay iney labada kulan xili ciyaareed ka adkaato tan iyo 2015/16.

Labada koox ayaa markii 211-koobaad maalin Axad ah wada ciyaari doonaan, 2010-kulan ee hore isku arkeen

Manchester ayaa adkaatay 82-jeer, Liverpool ayaa 70 badisay halka 58-jeer garba siman ku kala tageen

Manchester United ayaa laga adkaaday hal kamid ah 11-keedii kulan Premier league ugu dambeesay 8-guul 2-bareejo

Majirto koox heshay dhibco ka badan sidda looga soo laabatay koob adduun Manchester United 23-dhibcood

Manchester United ayaa gaari karto 50 dhibcood iyo ka badan kadib 25-kulan Premier league

waxey noqon doontaa markii labaad tan iyo Sir Alex Ferguson markii uu fariistay. 

Jose Mourinho ayaa loo diiwaan galiyay 53-Dhibco xili ciyaareedkii 2017-18, Manchester ayaa booska labaad ku dhameesatay.


Xaga Hoose Nagula Wadaag Faaladaada Yaa Badin Kara Isleedahay Kulanka Caaawa?