Sanadkaan ayuu jaamacad ka qalinjebiyay.
Shirkad ayuuna ugu shaqo billaabay $250. Mid saaxiibkiis ah bacadle uga furan yahay Bakaaraha ayaa waydiiyay

Horta Qoladaan meeqo ayay mushaar kuu siiyaan? Wuxuuna ugu jawaabay $250 ayaan bishii ugu shaqeeyaa saaxiib.

Inta madaxa jiljilay ayuu ku yiri ma $250 kaliya?! Si fiicanna way kugu xamaashaane! Oo sidee adiga oo jaamici ah uga yeeshay $250? Anagii xoogsatada ahaynba intaas kuma shaqeynee

Hadalkaasi waa saameeyay wiilkii, wuxuuna billaabaay in uu shaqada ka cagajiido. Bil ka Dibna waa la soo eryay. Sidaa ayuuna maanta baagamuuddo ku yahay.

Xamar jib waaye ee yaan lagaa waalin saaxiib.